DE DEG: Gudoomiyaha Jalalaqsi oo weerar lagu dhaawacay

Jalalaqsi-RisaalaFM- Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa waxaa lagu dhaawacay weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa yimid kadib markii ay wadada u galeen kooxo hubeysan, sidoo kalena ay Rasaas ku fureen kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha, waxaana lagu dhaawacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa ka yimid Magaalada Jowhar, isagoo ku sii jeeday Magaalada Jalalaqsi.

Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta lagu dhaawacay Gudoomiyaha, waxaana ay wadaan baaritaano.

Faah faahin goor dhow kala soco Risaala.net