DHAGEYSO: Wafdi gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey).

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe kus oo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Waxgarad iyo xubno kale.

Ujeedka wafdiga halkaasi ay u gaareen ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneysa Magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) ayaa sheegay Maamulka Hirshabeelle in uu yahay Maamulkii ugu dambeeyay ee laga sugayo xubnaha xildhibanaada Aqalka Sare.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa hada waxaa ka socota diyaar garow ku aadan Dooorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka soo socda.