Wadooyinka Muqdisho oo saakay markale xiran

Waxaa saakay markale xiran qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo soo maray qaar ka tirsan wadooyinkaasi.

Wadooyinka Muqdisho ayaa Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka waxa ay xireen Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay

Isgoysyadda Tarabuunka iyo howlwadaag ayaa wali xiran, waxaana Magaalada ay u kala qeybsan tahay labo qeybood.

Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo korortay.