Wadooyinka Muqdisho oo maalinkii labaad xiran

Muqdisho-RisaalaFM- Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii labaad xiran, waxaana lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo xiray wadooyinka.

Ciidamada lagu arkay wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo ah dhalinyaro ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa gaadiidka u sheegaya inay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xiran tahay.

Wadada aada dhanka School Plozia, ayaa xiran sidoo kale waxaa xiran wadada Maka Al-mukarama, wadada Sayidka, wadada Ceelgaabta, iyo wadooyinka kale ee soo gala, halkaasi oo lagu arkaayo ciidamo amniga si wayn u adkeynaya.

Ujeedka wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay Shirka amniga Qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho, iyo shirka (Somali Partnership Forum) oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Maalinkii labaad ayaa Gaadiidka dadweynaha waxa ay isticmaalayaan wadooyinka xaafadaha mara, keliya wadooyinka waa weyn waxaa isticmaalaya Gaadiidka masuuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Ciidamada.

Feejignaan dhanka ammaanka ah ayaa ka jirta Magaalada gudaheeda, marka la eego sida ciidanka loo soo dhoobay wadooyinka iyo hanaanka suggida ammaanka.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxda dowlad Goboledyada qaybta ka ah dowladda dhexe ee dalka oo u jooga ka qayb galka Shirka ammaanka ee Muqdisho ka dhacaya.