Waxaa gebi ahaanba xirmay isku socodka dadka iyo Gaadiidka Magaalooyinka Muqdisho Jowhar iyo tuulooyinka kale ee hoostaga,waxaana arrintaasi ay saameyn ku yeelatay Ganacsatada Magaalada jowhar.
Roobkii ka da’ay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay jareen wadooyinka soo kala iyo kuwa ka baxa Magaalada Jowhar, iyada oo taasi ay ka dhasheen dhibaatooyin kala duwan.
Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Johwar ayaa waxaa ay sheegeen in Ganacsigooda uu hoos u dhac ku yimid,taas oo ay sabab u tahay xirnaanshaha wadooyinka oo dadkii uga imaan lahaa tuulooyinka aysan soo gelin Gudaha Magaalada.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in maciisha Magaalada Jowhar ay sare u kacday,isla markaana maalmahaan wax badeeco ah aysan uga imaan Magaalada muqdisho maadaama Gaadiidkii u keeni lahaa ay wadooyinka ka xireen Roobkii da’ay iyo fatahaada Wabiga Shabeelle.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa sheegay inay la socdaan dhibaatooyinka Ganacsatada kasoo gaaray burburka wadooyinka iyo kuwa roobka iyo fatahaada ku xirmay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay dedejiso dhismaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar si ay dhibaatooyinka uga baxaan Shacabka Jowhar.



