Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaalada Baraawe ay saaka degan tahay ka dib dagaal culus oo bilowday shalay galab, soona gaaray xalay uu ka dhacay degmada Baraawe oo gobolka Shabeellada.
Inta la Xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyootay daagaalkan ka dhacay degmada Baraawe tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa u dhaxeey ciidan ka tirsan Xoogga dalka oo fariisin ku leh gudaha magaalada Baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur Galbeed ee magaaladaas jooga.
Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed la sheegay in ay dileen askari magaciisa lagu soo koobay Suusac oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya sida ay warbahinta Risaala u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Magaalada Baraawe.
Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa kaa tacsiyadeeyay khasaarihii ka dhashaydgaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka shaabeelaada Hoose.
Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleesteen xabad joojin ay kala dhex dhigeen labada dhinac ayna baarayaan waxaa sababay dagaalka.



