Waa sidee xaalada Beledxaawo kadib dagaalkii ka dhacay?.

Xaaladda magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka deggan kadib dagaal halkaa ka dhacay shalay oo u dhaxeyay ciidamo taabcsan mamaulka Jubalnd iyo kuwo dowladda fedeaalka oo hoggamainayo Cabdirashiid Janan.

Magaalada oo isgaarsiintu go’antahay ayaa la sheegayaa in dadku ay wajahayana xaalado adag oo dhanka nolosha ah iyo barakac ballaaran.

Dagaalka shalay ayaa bilowday duhuradii wuxuuna socday ilaa galbihii, wuxuuna ahaa dagaal culus oo hub adag laysu adeegsaday.

Khasaare ka dhashay dagaalkaas ayaa la soo warinayaa. Barakac xoog leh ayaa sidoo kale jirta.

Dadka magaaladaas ku noolaa ayaa u barakcay dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya iyo sidoo kale duleedka magaalada oo ay dirirtu saameyn.

Isgaarsiinta muddo todobaad ah ayay maqantahay, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka magaalada ku soo haray.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaalka uu sii socdo maadaama labadi dhinac ee dagallamayay ay weli halkaas ku suganyihiin.