Xaaladda degaanka Xeraale ayaa saakay degan ka dib dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku dhexmaraayay ciidamada Ahlusunna iyo dadka degaanka.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Xeraale, waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in colaada Xeraale si deg deg ah loo joojiyo, islamarkaana la daayo dadka Shacabka ee xabadaha lala dhacaayo.
Waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka ka socda Xeraale.
Ciidamada Ahlusunna ayaa lagu eedeeyay in ay muddo dhowr Maalmood in ay madaafiic ku garaceen degaanka Xeraale oo ay ku sugan yihiin dad Shacab ah.
Dadkii kunoolaa degaankaasi ayaa barakacay, waxaana dhibaato ay ku heysato degaano aan la heyn biyo.



