Guddiga Hormarinta magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa maanta go’aamiyay goobtii laga dhisi lahaa Suuq Weyn oo ay Soomaalida Minnesota yeelaneyso.
Dhismaha Suuqaan ayaa mudaba waxaa u ololeynayay Cabdi Warsame oo ah mudane ka tirsan Golaha Degaanka ee magaalada Minneapolis.
Dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaaladaasi ayaa horay u codsaday in loo dhiso suuq iyaga u gaar ah oo waxyaabaha ay jecel yihiin lagu iibiyo.
Suuqaan ayaa ah suuq weyn oo lagu iibin doono waxyaabo badan oo faa’iido igu jirto dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka kunool.
Dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa la kulma inta badan dhibaatooyin kaga yimaadda dadka Cunsuriyiinta ah ee Mareykanka kunool.



