Juventus ayaa diyaar u ah inay kula tartanto kooxda Serie A ka dhisan ee Inter Milan saxiixa weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku.
26 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo kooxda Antonio Conte xagaagan laakiin United ayaa horaantii bishaan soo diiday dalab 54 milyan ginni ah oo ay Inter soo gudbisay.
Si kastaba, haatan Juventus ayaa dooneysa inay daqiiqada ugu danbeysa dalab ka soo gudbiso sida ay sheegeyso Sky Sports News waxa ay diyaar u yihiin inay United u soo bandhigaan xiddiga reer Argentina Paulo Dybala si ay u qaadeen Lukaku.
Dybala ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan Juventus ka hor xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 22 gool 33 kulan uu saftay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2017-18.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa hoos u dhacay markii uu yimid Cristiano Ronaldo, isagoo xilli ciyaareedkii hore ku dhameystay si niyadjab leh madaama uu kaliya shan jeer shabaqa soo taabtay 30 kulan oo Serie A ah uu saftay.
Tottenham ayaa sidoo kale lala xiriirinayay 25 jirkaan, waxaana laga yaabaa in United laga dhaadhiciyo inay qaadato Dybala si ay u fasaxdo Romelu Lukaku.
United ayaa ku qiimeyneysa weeraryahankeeda lacag gaareysa 80 milyan ginni laakiin waxa ay u badan tahay inay aqbali doonaan lacag aad u yar haddii Dybala uu imaanayo Old Trafford.



