Waa Kuma Xiddiga Liverpool Laf-Dhabarta Ka Noqday Ee Ay Arsenal Doonaysay

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay doonaysay saxeexa khadka dhexe ee Liverpool ee Fabinho kahor intii aysan kooxda Anfield heshiiskiisa dhammaynin xagaagii 2018.

Fabinho iyo Emery ayaa kusoo xifaaltamay horyaalka France ee Ligue 1 wakhtigii uu tababaraha ree Spain joogay Paris Saint-Germain isla markaana uu Fabinho ka ciyaarayay AS Monaco.

Fabinho oo bilihii ugu horreeyay ee uu Anfield ku qaatay boos joogto ah ka waayay Jurgen Klopp ayaa inta badan xilli ciyaareedkii uu kooxda soo joogay iyo midkanba muhiim kasoo ahaa kooxdiisa kana mid ah xiddigaha booska joogtada ah xaqiiqsaday.

Emery oo haatan wakhti isku dhafan ku qaadanaya Gunners ayaa sheegay hadalkan kale ee gubi doona jamaahiirta kooxdiisa maadaama oo ay cadho ku abuuri karto sida ay u waayeen xiddig tayo weyn leh koox ay toos u xifaaltamaana ay uga hor qaadatay.

Unai ayaa sheegay inuu khadka dhexe ee ree Brazil jeclaa wakhtigii ay Ligue 1 soo wada joogeen sidaas darteedna uu isku dayay inuu PSG keensado kaddib ka imaatinkiisii PSG-na uu Arsenal ajandaheeda ku darsaday.