Lionel Messi ayaa diyaar u ah inay miiska soo saaro 4 milyan doolar oo uu ku caawinayo Ronaldinho si looga sii daayo xabsiga dalka Paraguay ee uu ku jiro, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.
Ronaldinho oo 39 sanno jir ah ayaa la xiray todobaadkii la soo dhaafay ka dib markii lagu qabtay baasaboor been abuur ah, waxa uu sidoo kale wajahayaa baaritaan la xiriira danbiyo kale.
Halyeeyga Brazil ayaa la fahamsan yahay inuu ugu safray Paraguay ka dib markii uu casuumaad ka helay milkiilaha meel lagu ciyaaro qamaarka, waxaana uu qorsheynayay inuu ka qeyb qaato tartan kubada cagta ah oo caruurta wax loogu qabanayo.
Ka dib markii lagu xiray saldhig boliis, garsoore ayaa diiday in Ronaldinho iyo walaalkiis xabis guri la geliyo iyadoo laga baqayay inay ka baxsadaan wadanka.
Warbaahinta 90min ayaa haatan sheegeysa in Messi uu qorsheynayo inuu caawiyo saaxiibkiisa hore isagoo shaqaaleysiinaya afar qareeno oo gala kiiska iyadoo ay ku baxeyso 4 milyan doolar.



