Van Persie Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal ee ku farxay bixitaanka Arsene Wenger

AMSTERDAM, NETHERLANDS - AUGUST 09: Robin Van Persie and Arsenal manager Arsene Wenger after Arsenal win the Amsterdam Tournament match between Ajax and Inter Milan at the Amsterdam Arena on August 9, 2008 in Amsterdam, Netherlands. (Photo by Ian Walton/Getty Images)

Robin van Persie ayaa xusuusiyay taageerayaasha Arsenal in Gunners ay caan ku noqotay gacanta tababare Arsene Wenger.

taageerayaal badan oo Arsenal ah ayaa doonayay in la bedelo tababarahaan reer France sannadihii lasoo dhaafay.

Arsenal ma aysan ku guuleysan Premier League tan iyo 2004, hase yeeshee waxa ay si joogta ah kaga soo muuqanayeen tartanka Champions League, iyagoo sidookale ku guuleystay FA Cup seddexdii sanno ee ugu dambeyay.

Dadku waxay ilaaween halka Arsenal ay joogtay ka hor inta uusan Arsene Wenger imaanin” ayuu yiri ninka reer Holland.

Arsene Wenger ma ahan oo kaliya inuu ku guuleystay kooxda, laakiin sidoo kale wuxuu ciyaaray kubad fantastik ah.

Ciyaaryahan kasta oo dhalinyaro ah wuxuu siiyay fursad uu ugu ciyaaro kooxda koowaad” ayuu yiri Robin van Persie.

Robin van Persie ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal eek u farsan bixitaanka Wenger inaysan ilaawin waxqabadkiisa kooxda.