Tababaraha kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa laga ceyrin doonaa kooxdiisa haddii uu guuldarro kala kulmo kooxda Shrewsbury FA Cup habeenka isniinta, sida lagu sheegay warbixin Daily Star ay qortay.
Guddiga Old Trafford ayaa xiray rajada uu kusii joogi karo kooxda Van Gaal inuu natiijo fiican ka keeno kulanka ugu soo horeeya.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegtay in qasaarihii kasoo gaaray kooxda FC Midtjylland ay soo dadajisay in loo qabto waqti kama dambeys ah Van gaal.
Shrewsbury ayaa nooqn karta kooxda uu sababsan karo macalinkan, haddii uu ka badin waayo.


