Siyaasiga Muuse Suudi Yalxoow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay qaar ka mid wadooyinka magaalada muqdisho in ay bur bursanyihiin, gaar ahaan siyaasiga ayaa tilmaamay wadada xiriirisa isbitaalka Keesaney ilaa iyo xarunta degmada Kaaraan in ay ka jirto bur bur xoog badan.
Isagoo ka dalbaday maamulka gobolka banaadir in ay door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska wadadaasi.
Muuse Suudi ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay ka gaabiyeen dib u dhiska wadadaasi iyadoo dhanka kalana uu tilmaamay in shacabka reer Kaaraan ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan hormarka degmada.
Waxa uu hadalkaan siyaasiga muuse suudi yalxoow uu ka sheegay kulan ka dhacay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka banaadir kaas oo looga hadlayay amniga degmada iyo waliba dib u dhis lagu sameeyo wadooyinka soo gala degmada Kaaraan.