USA-RisaalaFM- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay qorshe Milateri oo dhigaya in ciidamadda Mareykanka ay dar dar geliyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.
Go’aankan ayaa waxa uu Taliyeyaasha ciidamada Maraykanka ee Afrika ka howlgala uu awood u siinayaa inay qaadi karaan weeraro duqeyn cirka ah iyo weliba sidoo kale weeraro dhulka oo lagu qaado Shabaab.
Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in loo gudbiyay Madaxweyne Trump 12-kii March ee sanadkan in uu dabciyo sharciyada awood u siinaya ciidamada Maraykanka in ay ka howlgalaan dalka Soomaaliya. General Thomas D. Waldhauser oo ah taliyaha Africa Command ayaa arrintan meel fagaare ah ka sheegay 24-kii bishan March.
Sharciyadan ayaa waxa ay oggolaanayaan in weerarada ay ku dhiman karaan dad rayid ah waxana sidoo kale sharciyadan uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dalka Yemen waxyar kadib markii uu talada dalkiisa la wareegay.
Go’aanka Madaxweyne Trump uu ku fududeeyay in weeraro lagu qaadi karo dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo Abaar daran ay ka jirto inta badan dalka Soomaaliya taas oo sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan deganadoodii kadib markii ay Abaarta ku xoolo beeleen.


