Ururka Xisbullah oo shaaciyay tirada looga dilay weerarkii lagu qarxiyay nidaamkooda isgaarsiinta

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay weerarkii lagu qarxiyay nidaamkooda isgaarsiinta in lagu dilay 10 ka mid ah dagaalyahannadooda, taa oo ka dhigaysa tan iyo Oktoobar in la dilay 451 saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Xisbullah.

Tirada ka badan 4,000 ee ku dhaawacantay weerarka oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo dhaawacyo culus ah ayaa saacad walba sare u qaadi karta dhimashada xubnaha Xisbullah ee weerarkii maanta ku dhimanaya.

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxaa u kamid yahay Urrurada dagaalka adag kula jira Ciidamada Israa’iil, waxaana ay ku hanjabeen inay weerarkaasi deg deg uga jawaabi doonaan.