Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta u fariisaneysa dhageysiga 2-aad ee Dacwadda eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, bilowgii sanadkaan, isla markaana ay u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray dabkaasi.
Dacwadaan ayaa soo martay Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir, waxayna kusoo rideen xukun dil toogasho ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud.
Goordhow ayey bilaabaneysaa Dacwadda, iyada oo aad tiis uga daawan doontaan Barteenan Facebook ee Risaala Tv



