Daawo Ururka SOMA oo siminaar ku saabsan Sharuurka ku qabtay Garoowe

Garoowe-RisaalaFM- Ururka ay ku midaysan yihiin qaar ka mid ah idaacaddaha Soomaaliya ee SOMA ayaa magalada Garowe ku qabtay shir ku saabsan saameynta uu warbaahinta iyo shacabka ku yeeshay wararka lacagta lagu badasho ee loo yaqaano Sharuur ama Qabax.

Shirka oo hal maalin soconayay ayaa waxaa lagu marti qaaday xubno ka socday maamulka Puntland, Jaamacaddaha Garowe, Bulshada rayidka iyo qaybaha kala duwan ee wariyaasha ka howl gala deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha ururka idaacaddaha Soomaaliya ee SOMA Mudane Maxamed C/laahi Cali Kooshin iyo ku xigeenkiisa Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa furitaanka shirka ka jeediyay khudbado kala duwan waxaana ay tilmaam iyo faah faahin ka baxiyeen ula jeedka shirkan loogu qabtay Garowe iyagoona ku tilmaamay in ay tahay muhiimadiisa sidii loo ogaan lahaa fahanka ay wariyaasha iyo qaybaha kala bulshada ka haystaan saamaynta lacagta wararka lagu badasho ku yeelatay helitaanka xogta rasmiga ah ee loo baahan yahay in la ogaado.

Wariyaasha iyo aqoon yahanka shirkan ka qayb galay ayaa saacado badan ka dooday lacagta Sharuurka waxay isla qireen inay tahay wax dambi ku ah wariyaasha inay lacag ku xiraan warka kaasoo dadku ay u baahan yihiin inay helaan isagoo barax tiran, sidoo kale lacagta warka lagu xiro ee sharuurka loo yaqaan ay sheegeen inay la kow satay bur burkii dalka ka dhacay iyo aqoon darida haysta inta badan dadka saxaafada Soomaaliya ka mid noqonaya.

Burhaan Axmed Daahir oo waayo arag saxaafadeed ah iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar ”Surcad” ayaa sheegay muhiimadu inay tahay in aan wax lacag ah lagu xirin warka oo si kasta ay noqoto dadka loosoo bandhigo xaalada dalka iyo xalka looga bixiyo karo sidaasi si la mid ah wariyaa

Saleebaan Siciid Nuur oo ka socday wasaradda warfaafinta Puntland ayaa soo dhaweeyay shirkan ay soo qaban qaabisey ururka SOMA, wuxuu sheegay inay muhiim tahay in shirar iyo tababaro noocaan oo kale ah wariyaasha loo qabto si wax badan oo qaldan u saxmaan, waxa kale uu wariyaasha kula taliyay inay is-diiwaan galiyaan si loo ogaado qof kasta aqoontiisa heerka ay gaar siisan tahay.

Ururka idaacaddaha SOMA ayaa horay tababar noocaan oo kale ah ugu soo qabtey magaalada Muqdisho, kaas oo wariyaashii ka qayb galay ay isla qireen inuu yahay shirka noocaan oo kale ah kuwa loo baahanshii dooda ka qayb galay ayaa dhankooda qiray inaysan habooneyn in warka lacag lagu xiro balse ay tahay in lacag laga qaado barnaamijyada gaarka ah ee dhaqaalaha lagu baxsho iyo xayaysiiy-yada.

yahay ee wax walbana ku saxmayaan, waxaana qabsoomidiisa Soma ka caawisay Hay’addaha FREE PRES iyo MEDIA INK.

1- 2- 3- 4- 5- 6- 7- 8- 9- 10- 11- 12- 13- 14- 15-