Wararka ka imaanaya Urdun ayaa sheegaya, in ciidamada ammaanka ay xireen xarunta xisbiga Aqwaan Muslimiin ee magaalada Camaan.
Xubnaha ka tirsan Aqwaan Muslimiinta ayaa sheegay in qof walba oo xafiiska ku jiray qasab looga bixiyay.
Xiriirka Aqwaan Muslimiinta iyo dowladda Urdun ayaa xumaa mudo, iyadoo xisbiga uu yahay mucaaradka ugu wayn waddanka ee abaabulan.


