UNHCR oo beenisay war kasoo baxay Hay’adda Human Rights Watch

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR ) ayaa Sabtidii beeniyay eedeeymaha Hay’adda Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka taa soo dowladda Kenya  ku eedeeysay in ay qaxootiga Soomaaliyeed ku hayso handadaad iyo cabsi galin joogta ah si ay ugu laabtaan dalkooda.

 

Wakiilka UNHCR ee Kenya , Raouf Mazou , ayaa sheegay  in dowladda Kenya ay si dhow ula shaqeyso qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, isagoo intaasi ku sii daray in qaxootiga ay kunool yihiin nabad iyo Ammaan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xirayso xerada qaxootiga adduunka ugu weyn ee Dhadhaab , halkaasi oo hoy u ah ku dhawaad 300,000 kun oo qof.

Dowladda Kenya ayaa horay loogu eedeeyay in ay dhibaato ku heyso qaxootiga Soomaaliyeed kunool dalka Kenya.

Wakiilka UNHCR ee Kenya , Raouf Mazou ayaa ku tilmaamay warbixintii hay’adda HRW mid aan laga fiirsan oo lagu caqabadeynaayo ammaanka iyo sidoo kale sumcadda dowladda Kenya.