Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah ay ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.
Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya Madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holland si ay uga qeyb galaan dacwada badda ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya.
Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa lagu soo waramaya in ay sidoo kale gaareen magaalada Hague ee dalka Holland
Wararka ay laga helaayo Maxkamadda ICJ ayaa sheegaya in dacwado ay furmeyso maalinta Berri ah , waxaana ay socon doontaan dhageysiga muddo ku siman afar maalmood oo si galin galin ah loo dhageysan doono dacwada dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.
Maxkamadda ICJ ayaa horay u sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.


