Xariirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday in fiinaalka Champions Leagueka xili ciyaareedkan lagu soo kordhin doono calaamada gool sheegtada ee “Goal-line technology”.
Warkan ayaa kusoo aadaya xili xoghayaha guud ee UEFA loo doortay Theodore Theodoridis kaas oo badalay Gianni Infantino oo noqday madaxweynaha cusub ee UEFA.
50 Jirka Theodoridis, oo UEFA lasoo shaqeynayay ilaa January 2008, ayaa ka sheegay shir ka dhacay magaalada Nyon in Goal-line technology la isticmaali doono.
“Calaamada Goal-line technology, ayaa la istcimaali doonaa UEFA Champions League xili ciyaareedka danbe, waxaana tijaabintiisa la sameyn doonaa Fiinaalka UEFA Champions League iyo UEFA Europa League final, ee ka dhacaya Milan iyo Basel.
Xariirka kubada cagta UEFA ayaa shaaciyay koobabka calaamadan loo isticmaali doono xili ciyaareedka danbe.
- UEFA Champions League
- UEFA Europa League
- UEFA Super Cup
- UEFA Women’s Champions League
- UEFA Futsal Cup
- UEFA Youth League
Kulanka labaad ee gudiga UEFA ayaa ka dhici doona magaalada Budapest 2-da bisha May.


