Tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta uga hadlay xaalada kooxdiisa iyo kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan naadiga Aston Villa.
Man City ayaa haatan 10 dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha horyaalka ee Leicester inkastoo uu kulan ubaaqday.
Mar uu macalin Pellegrini ka hadlayay niyad jabka kooxdiisa kadib natiijooyinkii xumaa ee lasoo dhaafay ayuu yiri: “Dabcan aad ayaan uga careysanahay natiijooyinkii iyo kulamadii ugu danbeeyay laakiin waa wax lasoo dhaafay”.
“Ma doonayo inaan wax mar marsiimo ah usameeyo, laakiin ma aanan helin fursado wanaagsan kulankii axadii”.
Tababaraha reer Chile ayaa sheegay muhiimada ay kooxdiisa ugu fadhiso dhibcaha ay lumineyso “Dhibic kasta oo naga lunta wax ayay sii adkeyneysaa, haatan waa inaan diirada saarnaa inaanan qalad kale sameyn”.
“Waxaa inoo baaqday hal kulan, laakiin ma ahan inaan kaas ka fakarno, waa inaan ka fakarnaa sidii qaab ciyaareedka kooxda ee horyaalka uu u noqon lahaa mid hormar sameeya”.
Mar uu ka hadlayay hadii qadka dhexe ee Yaya Toure uu seegayo kulanka Aston Villa ayuu tababare Pellegrini yiri ” “Yaya waxaa uu maqnaa kulan muhiim ah, arbacadii, laakiin haatan waa uu wanaagsan yahay wax dhib ahna kama jiraan.”


