UEFA Oo Ganaaxday Kooxaha Liverpool, Man United, Man City & Tottenham

Liverpool, Manchester City, Manchester United, Tottenham, iyo Wolves ayaa ganaaxyo lacageed kala kulmay xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ka dib qaladaad ay ku kaceen kulamadii ugu danbeysay ee tartamada Yurub.

Liverpool ayaa lagu ganaaxay 3,250 euro madaama ay taageerayaasha buleero iyo qiic ka dhex shideen garoonka kulankii Anfiled ay kula ciyaareen Atletico Madrid ee 11kii bishaan Maarso.

Liverpool ayaa kulankaas looga badiyay 3-2 taasoo soo gabagabeysay rajadoodii ay ku difaacan lahaayeen koobkii ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

UEFA ayaa sidoo kale shaacisay inay 24 kun euro ku ganaaxeen Atletico Madrid ka dib markii ay xireen wadooyinka shacabka kulankii Wanda Metropolitano ee 18kii Febraayo.

Manchester City oo laga mamnuucay Champions League labada xilli ciyaareed ee soo socota ayaa iyagana lagu ganaaxay lacag gaareysa 3 kun euro ka dib qalad dhanka maaliyada ah oo ay sameeyeen kulankii Real Madrid ee 26kii Febraayo.

City ayaa ciyaartaas ku badisay 2-1 laakiin weli lama ciyaarin lugta labaad sababo la xiriira caabuqa Coronavirus.