UEFA Nations League: Hordhaca kullanka England iyo Croatia, safafka macquulka ah

Waxaa la ciyaari doonaa kullanka ugu dambeeya ee horyaalka A ama League Group-kiisa 4.

Xulalka qaranka England iyo Croatia ayaa foodda is dari doona, iyadoo labadan xul midkood uu u laaban doono League B.

Labadan xul ayaa kullankii hore ee Group-kan bareejo 0-0 kusoo kala baxay, waxaana ciyaartoyda hadda ay noqoneysaa in xul walba uu guul u ciyaarro.

England haddii ay bareejo goolal la’aan ah la gasho Croatia, waxa ay sii joogi doonaan League A, hase ahaate Spain oo booska koowaad ee Group-k ku jira ayaa u gudbi doonna sami-finalka tartankan, haddii Three Lions ay guul gaaraan waxa ay ka saacideysaa inay booska koowaad ee Groupkan ay kusoo baxaan isla markaasna ay iska xaadiriyaan wareegga nus-dhamaadka ee June 2019 lagu madalsanyahay, haddi ayse bareejo goolal ah galaan waxa ay nagi kusii ahaan doonaan League A, haddii bareejaduse ay noqoto mid goolal la iska dhaliyo waxa ay u laaban doontaa League B, waxaana ay eedi doonta sharciga gool-bannaanka (away goal).

Sidaas oo kale Croatia haddii ay adkaato waxa ay gaari doontaa afarta xul ee tartanka UEFA Nations League wada ciyaari doona semi-finalka tartankan, haddii ay bareejo goolal ah gasho, waxa ay nagi kusii ahaan doontaa League A, haddii ay bareejada noqoto goolal la’aan iyada ayaa League B u laaban doonta.

Xiddigaha diyaarka u ah labada xul iyo kuwa seegaya

Guud ahaan 25-kii ciyaaryahan ee uu Gareth Southgate uu usoo magaacabay kullankan ayaa fiyoobi qaba, waxaana safka England ka baxay Wayne Rooney oo keliya kullankiisii 120-aad awgiis loogu yeerray qaranka England.

Dhanka Croatia waxa ay weynayaan caawa Ivan Rakitic, kaasoo dhibaato dhaawac ay kasoo gaartay kullankii Spain, waxaana laacibkan loo celiyay magaalada Barcelona si kooxdiisa ay ula tacaasho dhaawac xiddigga 30-jirka ah.

Safafka macquulka ah ee ay kusoo billaabi karaan labada macallin

England: Pickford; Walker, Gomez, Maguire, Shaw; Alli, Henderson, Barkley; Sterling, Kane, Rashford

Croatia: Kalinic; Vrsaljko, Lovren, Vida, Jedvaj; Modric, Brozovic, Kovacic; Kramaric, Rebic, Perisic