Tuttosport oo ogaatay qorshaha Juventus ay dib ugu mideyneyso Marcelo iyo Ronaldo

Wararka ka imaanaya dalka Taliyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus aysan ka quusan saxiixa laacibka kooxda Real Madrid ee Marcelo.

Bianconneri ayaa diyaarineysa inay dhiggeeda u gudbiso dalab €50m si ay difaaca reer Brazil kaga soo qaataan xagaaga dambe.

Horraan, weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa maamulka naadigiisa kaga codsaday inay lasoo saxiixdaan saaxiibkiisii hore oo ay xagaagan ka hor wadaagi jireen qolka lebiska.

Mareegta kasoo baxda Italy ee Tuttusport ayaa sheegtay in Old Lady ay aqbashay in CR7 ay la mideyso Marcelo.

30-jirkan ayaa ka mid ahaa saaxiibbada ugu dhow ee Captain-ka reer Portugal ku lahaa santiago Bernabue, welina waxa uu Ronaldo jecelyahay inay markale midoobaan.

Si Juve ay u qarash ugu hesho saxiixa Marcelo, waxa ay iibineysaa difaaceeda Alex Sandro kaasoo xagaagan qarka u fuulay inuu ka dhaqaaqo Allianze Stadium.

Sandro ayaa diiradda u saarnaa kooxaha Manchester United iyo PSG, balse ugu dambeyn kooxda Juventus ayaa ku guuleysatay inay heshato dambeedkeeda bidix.