Muqdisho-RisaalaFM- Shirkadda ayaa waxa ay qeyb weyn ka qaadatay xajinta dadka Soomaaliyeed iyadoona dad badan oo Soomaaliyeed u fududeysay in si dhib yar ku gaaraan xaramka, maadaama shirkadda ay ka mid tahay shirkadaha ugu faca weyn shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya ee dalka.
Daallo ayaa markii ay soo celisay qaar ka mid ah xujeydii soo gudatay acmaashooda Xajka ayaa la hadlay warbaahinta, waxaana ay sheegeen in shirkadda ay u qabatay adeegii ugu wanaagsanaa oo ay rajeynayeen.
Xujeyda waxa ay sidoo kale sheegeen in la dajiyay Hoteelo ku dhaw Xaramka oo ay salaadaha waajibka ku tukanayeen masjidkaasi, waxa ay aad ugu mahadceliyeen shirkadda Daallo Airline oo ay sheegeen shaqaalaheeda ay ka war hayeen jiifkooda iyo cunadooda.
Madaxa suuqgeynta shirkadda Daallo Airline Cabdishakuur Maxamed Cali ayaa sheegay in maanta shirkadda ay keeneen 142 xujey ah, isagoona sheegay in todobaadkan ay xooga saareyso dib u soo celinta xujeyda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibkooda Xajka.
Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso ayuu sheegay in shirkadda ay geyneyso xujeyda ka soo laabaneysa dalka Sacuudiga.
Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa sanadkan dardargelisay howlaheeda shaqo oo ay u qabaneysay xujeyda Soomaliyeed, waxaana ay dalka ka qaaday 3,500 xujey ah oo la filayo in dhawaan dalka ay dib ugu soo celiso.




