Sagaal weriye oo ka tirsan wargeyska xaga mucaaradka u jandheedha ee Cumhuriyet ayaa maxkamad ku taal magaalada Istanbul ee Turkigu u dirtay rumaan oo xabsiga la dhigay.
Tifaftirahii wargeyska, farshaxan caan ah iyo qoraa dowladda dhaliila ayaa ka mid ah weriyeyaasha la xiray.
Tallaabadani waa tii ugu dambeysay kuwo xiriir ah oo laga qaadayo dadka dhaliila madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.
Jimcihii ayaa la xiray sagaal siyaasi oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha xisbiga Kurdiyiintu leeyihiin ee HDP.
Waxa kaloo la xiray sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan isla xisbiga HDP oo ay ku jiraan godoomiyihii xisbiga ee gobolka ku yaal koonfurta bari ee Adana oo iyagana maanta oo Sabti ah gudaha la dhigay.
Wargeyska Cumhuriyet wuxu ka mid yahay dhawr wargeys oo ka mid ah warbaahinta Turkiga ee weli dhaliila Erdogan.
Weriyeyaasha wargeyskan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka Maraykanka deggan ee Fatxullah Gulen oo qudhiisa lagu eedeeyay inuu maleegay isku daygii afgabi ee dalka ka dhacay bishii Juulaay.


