Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland , goobta ay ka socota doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Puntland, Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland iyo xubno ka socda beesha Caalamka.
Magacyada Todobada mudane ee ilaa iyo hadda la doortay waxaa ka mid ah:
Cali Yuusuf Cali Xoosh (Cali Gaab)
Cilmi Cumar Cilmi
Maxamed Xayir Ibraahim
Muuse Axmed Ismaaciil
Axmed Ismaaciil Maxamuud
Cumar Ismaaciil Waaberi
Cabdinaasir Siciid Muuse
Doorashada Wali waa ay socotaa


