Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in sanadka 2026 ay si rasmi ah u bilaabi doonto qodista ceelasha shidaalka iyo gaaska ee ku yaalla xeebaha Soomaaliya.
Go’aankan ayaa timid kadib markii la dhammeystiray sahanno seismic oo saddex-cabbir ah oo laga sameeyay badda Soomaaliya, kuwaas oo natiijooyin horudhac ah oo dhiirrigelin leh laga helay.
Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in xogtii laga ururiyay saddex aag oo midkiiba gaarsiisan 5,000 km² ay muujinayso fursad weyn oo ah in Soomaaliya leedahay keyd shidaal iyo gaas oo ballaaran.
Waxa uu intaas ku daray in shaacinta rasmiga ah ee natiijooyinka lagu qaban doono bisha Janaayo ee sanadka cusub.
Dhanka dhulka, Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya rabto in ay bilowdo baaritaanka shidaalka dhulka ku jira, balse ay jiraan caqabado amni iyo kuwo kaabayaal ah. “Waxaa loo baahan yahay waddooyin iyo amni dheeri ah si loo gaaro goobaha ceelasha dhulka,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo xusay in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan xal u helidda arrimahaas.
Hadda, dowladda Soomaaliya ayaa wado howlgallo amni oo xooggan oo ka socda Muqdisho, Afgooye, Marka iyo dhanka xeebaha si loo sugo amniga goobaha mashruuca. Isla waqtigaas, Turkiga ayaa dhisaya waddooyin muhiim ah iyo buundooyin, waxayna horey u hirgeliyeen buundooyinka Sabiib, Caanoole, Awdhiigle iyo sidoo kale Isbitaalka Number 50.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, Turkigu wuxuu Soomaaliya u diray markabka cilmi-baarista ee Oruc Reis, kaas oo fuliyay daraasad qoto dheer oo 3D seismic ah oo loogu gogol xaarayo qodista badda ee 2026-ka.
Qodista la qorsheeyay waxay ka dhici doontaa meel ay badda ka qoto dheer tahay 3,000 mitir.
Turkey, oo tan iyo 2011 maalgelin iyo iskaashi amni ka wado Soomaaliya, ayaa qorsheynaya inuu qeyb muhiim ah ka noqdo wejiga cusub ee dhaqaalaha tamarta ee dalka.



