Turkiga oo Gar gaar u soo diray Soomaaliya

Turkey-RisaalaFM- Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u soo dirtay Gar gaar 15,000 oo Tan ah, kuwaasi oo isugu jira cuntooyinka nuuyadooda kala duwan.

Gar gaarka ayaa waxaa ka mid ah Bur, Sonkor, Dawada iyo cuntada ilmaha, waxaana ka faa’ideysan doona ilaa Saddex Milyan oo qof inta Bisha Ramadaan lagu guda jiro.

Kerem Kinik oo ah Masuul ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in shixnadan ay tahay mid loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee gudanaya waajidbaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Shixnadaan waxaa loogu tala galay in lagu gar gaaro dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajidbaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waa muhiim inaan caawinaa Hooyooyinka Soomaaliyeeed” Ayuu yiri Kerem Kinik.

Sidoo kale Kerem Kinik ayaa sheegay dalalka Somalia, Nigeria, South Sudan iyo Yemen in ay ka jiraan Abaaro macluul ah, oo ay u dhinteen dad badan, loona baahan yahay in la sii laba jibaaro Gar gaarka loo fidinayo dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Turkiga ayaa horay kaalmo bani’aadanimo u gaarsiiyay Soomaaliya, waxaana uu ahaa dalkii u horeeyay ee soo gurmaday, markii Abaarihii iyo macluusha ka dilaaceen Soomaaliya sanadkii 2011.