DHAGEYSO: Puntland oo u jawaabtay DF

Garowe-RisaalaFM- Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland ayaa ka fal celisay hadal ka soo yeeray Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Puntland ay fashilisay shir ka dhici lahaa Jasiiradda Siishalis.

C/nuur Cilmi Nuur (Biindhe) Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uu ka been sheegay Puntland kuna sheegay in ay fashilisay shirkii ka dhacay Jaziirada siishalis.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in puntland ay tahay mid jecel dadka Somaaliyeed taas oo cadeyneysa in dhamaan dadka kala duwan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin degaanadeeda.

Wasaarada Kalluumeysiga iyo khjeyraadka Badda Soomaaliya ayaa dhowaan eedeyn u jeedisay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland.