Trump oo raali galiyay Brett Kavanaugh

Madaxweyne Trump oo ku hadlaya magaca dadka Maraykanka ayaa raali galiyay Brett Kavanaugh oo ah ninka uu dhawaan u magacaabay maxkamadda ugu sarraysa dalkaas, isaga oo sheegay in lagu qaaday wax uu ku tilmaamay carqaladayn ay ka dambeeyay shaqsiyaad iyo mid siyaasadeed oo uu sheegay in la soo dhoodhoobay oo been abuur ah.

Trump ayaa hadalkaas ka sheegay xafladdii dhaarinta Brett oo ka dhacday Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Intii uusan aqalka sannadku meelmarinin magacaabiddiisa waxaa hareeyay eedaymo tacaddiyo galmo.

Brett ayaase diiday eedaymaha loo soo jeediyay.