Trump oo hakiyay qaraar UN oo ka dhan ah Israa’iil

Waxaa hadda cadaatay in Donald Trump uu farageliyay qaraar ay UN kasoo saari lahayd deegaameynta Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Ujeedada qaraarka ayaa ah in la cambaareeyo sida Israa’iil ay usii wado guryaha ay ka dhiseyso dhulka ay ka haysato Falastiin.

Balse hadda waxaa iska muuqata in Donald Trump uu farageliyay si dib loogu dhigo codeynta oo Khamiistii shalay dhici lahayd.

Masar oo markii hore codsatay qaraarka ayaa haddana dalbatay in dib loogu dhigo.

Saraakiisha dalka Masar waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdifitax Al-sisi iyo Trump ay arrinta uga wada hadleen telefoon.

Waxaa la sheegayaa inay isku raaceen in maamulka soo galaya ee US la siiyo fursad uu kula tacaalo xaaladda Falastiin.

Sarkaal sare oo ka mid ah Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in qaraarka uu lahaa awood xoog badan, uuna isu bedeli karay mooshin ka dhan ah Israa’iil.

Marka, maamulka Irsaa’iil oo la xiriiray Trump ayaa waxay ka codsadeen inuu farageliyo arrinta, sida xubno ka tirsan Israa’iil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Qorshaha Masar ayaa ahaa in Israa’iil lagu cadaadiyo joojinta dhismayaasha cusub oo ay ku tilmaamtay inay xeerka caalamiga ah ka soo horjeedo.

Waxaa jiray hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in maamulka Obama uu doonayay in xilliga ugu dambeysa ee Xafiiska uu u codeeyo qaraarka Masar si golaha amniga uu awood ugu yeesho inuu Israa’iil cambaareeyo.