Trump oo askarta Ameerikaanka midkiiba siiyey lacag ka badan $1,700

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu siinayo abaalmarin dhaqaale ku dhawaad ​​hal milyan iyo bar ka mid ah askarta Maraykanka. Waxa uu sheegay in mid walba uu heli doono “qayb dagaalyahan” oo dhan kun iyo toddoba boqol iyo lix iyo toddobaatan dollar — tiradaas oo loo doortay in ay la mid tahay taariikhda uu madax-bannaanida qaatay Mareykanka.

Mr Trump ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu u jeediyay shacabka dalkaas, isagoo ku soo bandhigay waxyaabaha uu u arko guulaha uu gaaray sannadkiisii ​​ugu horreeyay ee xafiiska.

“11 bilood ka hor qwaxaan dhaxlay qas, waanan hagaajinayaa” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo Trump ku faanay in dhaqaalaha uu sare u soo qaaday.