Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Nuur Dugle.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo waxay ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka u adeegsadeen  baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib weerar toos ah uu ka qarxay gudaha deegaanka.

Dhanka kale, dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab, ciidaanka deegaanka iyo kuwa dowladda ayaa hadda ka socda deegaanka Nuur-dugle, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas culus oo dhinacyada ay isweydaarsanayaan.

Waxaa adag in si dhab ah loo ogaado xaalada deegaanka Nuur-dugle iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaankaas, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in deegaanka ku baxeen ciidamo gurmad ah.