Toogasho lagu dilay dad ka soo baxay Masaajidka Al raxma

Toogasho ayaa ka dhacday Banaanka hore ee Masaajidka Al-Raxma oo ku yaalo dalka Faransiiska, kadib markii dad Salaad ka soo baxay laba nin oo hubaysan ay halkaasi ku toogteen.

Laba ruux oo ka mid ahaa dadkii masaajidka ka soo baxay, ayaa halkaasi ku dhintay, waxaa kale oo dhaawac uu soo gaaray sideed ruux afar ka mid ah ay ahaayeen dadkii Masaajidka ka soo baxay, afarta kalena ay ahaayeen kuwa ku sugnaa meel aanan Masaajidka ka fogeyn.

Magaalada weerarka uu ka dhacay ee dadka Muslimiinta ah lagu beegsaday ayaa lagu magacaabaa Avignon, waxaana ay ku taalla Koonfurta dalka Faransiiska.

Booliska oo ka hadlay dhacdadaan, ayaa waxa ay sheegeen inaysan arintaan ula dhaqmeyn sidii argagixiso, balse ay sameyn doonaan Baaritaan dhab ah oo ku saleysan arintaan.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Afar ruux oo isku qoys ah, oo ay ku jirto gabar yar oo sideed jir ah.

Dalalka reer Galbeedka, ayaa waxaa ku sii kordhaayo beegsiga dadka Muslimiinta, falkaan ayaa waxaa cambaareeyay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi Faransiiska.