Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Caasimadda gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu hadda ka socdo degaanka Birta dheer oo ku yaalla duleedka Magaalada.
Dagaalka ayaa ah Mid xooggan oo la isku adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararka waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay dagaal kusoo qaadeen Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degaanka Birta dheer.
Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Faahfaahin kala soco Risaala.net



