Toogasho ka dhacday Canada oo lagu dilay 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen….

Police stand near a barricade during an operation in the center of Brussels on Sunday, Nov. 22, 2015. Western leaders stepped up the rhetoric against the Islamic State group on Sunday as residents of the Belgian capital awoke to largely empty streets and the city entered its second day under the highest threat level. With a menace of Paris-style attacks against Brussels and a missing suspect in the deadly Nov. 13 attacks in France last spotted crossing into Belgium, the city kept subways and underground trams closed for a second day. (AP Photo/Virginia Mayo)

Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay ninkii hubaysnaa iyo haweenay da’yar ayaa dhintay 13 ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib toogasho ka dhacday magaalada Toronto, sida uu sheegay booliiska dalka Canada.

Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka Danforth iyo Logan habeennimada Axadda.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah gabadh yar, waxaana xaaladdeeda lagu sheegay mid aad u liidata, booliiska ayaa dalbanaya dad goobjoogeyaal ah.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayaa lagu daweeyay isla goobtii, halka kuwo kalana loola cararay isbitaallo ka ag dhaw, ma cadda ujeedada laga lahaa toogashadaas.

Jeremy Cohn oo ah saxafi ka tirsan @globalnewsto ayaa soo dhigay muuqaalkan isaga oo sheegaya in ay dhaawacyadu daadsan yihiin goobo kala duwan.