Toogasho ka dhacday Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi dil iyo dhaawac ka geysteen.

Koox hubeysan ayaa Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ku  dilay ruux la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidanka maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay dhaawaceen mid kale sidda ay xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysanaa Bastoolado, waxaana la sheegay toogasho ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxihii dilka geystay.