Guuldaradii 3-0 ee Arsenal ku soo gaartay Selhurst Park waxa ay aheyd ceeb weyn. Waxaa dagaalka iyo ciyaartaba auga badisay koox kaalinta 16aad kaga jirta Premier League, waxaana ay aheyd mid ay adag tahay in la aamino sida ay Arsenal u xumeyd xalayto.
Jariirada Daily Mirror ayaa soo uruurisay xaqiiqooyin muujinaya sida ay u liidatay Arsenal xalayto.
Arsenal ma aysan helin hal daro oo goolka ku bartilmaameedsan kulankii Palace qeybtii labaad
Shkodran Mustafi wuxuu isku dayay lix taakal intii ay ciyaarta socotay, dhamaantoodna waa uu ku hungoobay.
Si kastaba, waxa uu keenay in laga dhigo labo qalad.
Mesut Ozil ma uusan abuurin xitaa hal fursad intii ay ciyaarta socotay. Alexis Sanchez wuxuu abuuray hal fursad. Mamadou Sakho oo daafac dhexe uga ciyaara Palace waxa uu abuuray labo fursadood.
Inuu ka fursad abuur badnaado daafac weyn wax fiican kama dhaheyso labada weeraryahan ee Arsenal.



