Tirada xildhibaanada ilaa hada la doortay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa shaaca laga qaaday tirada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee illaa hadda lagu doortay Xarumaha ay ka socdaan Doorashooyinka dadban ee Dalka.

Abukaate Cumar Cabdulle Maxamed (Dhagey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa waxa uu sheegay Xildhibaanada illaa hadda la doortay in ay gaarayaan 204 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.

Tirada Guud ee Xildhibaanada Aqalka Hoose waa 275 Xildhibaan, welina waxaa socda Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose

Sidoo kale Abuuklaate Cumar Dhegey waxa uu sheegay in la doortay 43 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana harsan 11 xubnood oo ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi.

Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Cadaado waxaa ka socda Doorashooyin, waxaana hakad ku jirta Doorashadii ka socotay Magaalada Garowe, maadaama Puntland ay cabashao qabto.