Timo Werner ayaa ka mid ah weeraryahanada haatan ugu shidan kubada cagta waqti xaadirkaan.
25 kulan uu saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan, waxa uu 24 jirkaan dhaliyay 21 gool isagoo caawiye ka noqday todoba kale.
Werner ayaa sidoo kale wacdarro ka dhigayay Champions League isagoo dhaliyay afar gool halka uu caawiye ka noqday labo gool kale sideed kulan uu saftay.
Lama filaan ma ahan in kooxaha Yurub ugu waa weyn ay isha la raacayaan xiddiga Jarmalka, waxaana si gaar ah u qiimeyneysay xaaladiisa kooxda ugu fiican Jarmalka ee Bayern Munich.
Laakiin Werner ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu ugu biiri karo kooxda Bayern Munich isagoo sheegay inuu ka doorbidayo inuu u wareego horyaalka shisheeye.
Weeraryahanka oo u hadlayay jariirada Bild ayaa yiri: “Inaan tartan ka galo horyaal shisheeye ayaa i soo jiidaneysa bedelkii aan u wareegi lahaa Bayern”
Ninka suuqa kala iibsiga khabiirka ku ah Fabrizio Romano ayaa isna xaqiijiyay in Jurgen Klopp uu weli ka shaqeynayo sidii uu u la soo wareegi lahaa weeraryahanka kooxda RB Leipzig.



