Bollywood Actor Ranveer Singh wuxuu ka mid yahay xidigaha fara ku tiriska ah ee Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo aad ugu waalan daawashada iyo ka warqabida kubada cagta tartamadeeda kala duwan.
Ranveer Singh xagaagii dhawaa sawiro kala duwan ayuu baraha bulshada soo dhigaayay xili uu tartanka Euro 2016 daawanaayay madaama uu France u joogay duubista filimkiisa Befikre.
Haatana Ranveer Singh wuxuu kulan la qaatay mid ka mid ah shaqsiyaadka kubada cagta maqaamka sare ka gaareen waa weeraryahankii hore ee xulka France iyo kooxda Arsenal Thierry Henry.
Halyee Thierry Henry ayaa magaalada Mumbai ee xarunta Bollywood-ka u tagay halkaas inuu ka qayb qaato cayaar samafal ah oo soo qaban qaabisay shirkada Puma ee qalabka Sports soo saarto.
Ranveer ayaa u suura gashay inuu Thierry Henry kulan la qaato sidoo kalena Ranveer Singh qoraalkan ayuu barta Twitter-ka soo dhigay “Jaceyl dhab ah ee aan u qabo Thierry Henry, qalbigeyga ayuu waligiis ku jiri doonaa.”
Dhinaca shaqada Ranveer Singh waxaa 9-ka bisha December ee dabyaaqada sanadkaan tiyaatarada loo saari doonaa filimka Befikre ee la jileyso Vaani Kapoor waxaana Director ka ah Aditya Chopra.
Thierry Henry isagana haatan waa tababaraha labaad ee xulka Belgium waxaana shaqadaan loo magacaabay bishii August asigoo laga rabo inuu Belgium ka caawiyo usoo bixida kooba aduunka sanada 2018 lagu qaban doono dalka Russia wuxuuna la shaqeeyaa Roberto Martinez oo ah tababaraha kowaad ee xulka Belgium.


