Patrice Evra Oo Ka Sheekeeyay Sida Carlos Tevez Wali U Jecel Yahay Manchester United

Daafacii hore ee Manchester United Patrice Evra ayaa aaminsan in Carlos Tevez weli uu heysato Jacaylka kooxda Red Devils, inkastoo uu ku biiray kooxda cadaw dariska yihiin ee Manchester City.

Tevez ka ayaa ka tagay United isagoo u saxiixaykooxda ay xafiiltamaan ee City sanadkii 2009 taasoo keentay in Citizens qaab ku xumeys United ah ay usoo dhaweyaan weeraryahankoodii cusubaa.

xidiga Argentina ayaa tan iyo markii uu sheegay in United ay ku fashilmeen in ay kasoo baxaan heshiiskiisa islamarkaana uu u saxiixay City waxaa uu aflagaado joogta ah kala kulmayay taageerayaasha United.

Laakiin Tevez ayaa wali waxa kujira jaceylka Manchester United sida uu aaminsan yahay daafaca reer France ee Evra.

Evra, oo ay kawada ciyaareen Tevez labada koox ee United iyo Juventus, ayaa sheegay in weeraryahanka uu hal mar u sheegay inuu ixtiraam badan wali u hayo kooxda Red Devils, waxaana uu dareensan yahay in saaxiibkiis xasuus iyo jaceyl uu u qabto garoonka Old Trafford.