Goolhayaha koowaad ee Chelsea Thibaut Courtois ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka ay kooxdiisa la ciyaari doonto Man United maqribnimada caawa ah waqtiga geeska Afrika kadib markii laga waayay liiska kooxda ee soo safray iyadoo lasoo sheegayo iney dhibaato dhanka canqawga ah soo gaartay tababarkii ka horeeyay safarkooda.
Warkaan waraa bartiisa twitter-ka ku qoray wariyaha reer Belgium ee Kristof Terreur kaas oo si aad ah ula socda xaaladda xidigaan heerka caalami, walow aysan kooxdiisa ka hadlin hadana waa hadal heynta ugu badan ee baraha bulshada.
Dhanka kale Kristof wuxuu qiray in goolhaye Asmir Begovic uu markiisii ugu horeysay kasoo muuqan doono kooxda Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League.




