Kadib markii xalay Magaalada muqdisho lagu dhibaateeyay Ciyaartoyda xulka kubadda Cagta dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la hakiyay tartanka muddo saddex maalmood ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, isla markaana tartanka uu dib u billaaban doono Maalinta Talaadada ah oo ku began 16 Bisha Janaayo.
Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatada loo geystay Ciyaartoyda Koonfur Galbeed, isla markaana gebi ahaanba ay tartanka ka baxayaan.




