Mareykanka oo markale duqeyn u geystay Goobo ay ku sugnaayeen Xuutiyiinta Yemen

Diyaaradaha Dagaalka, Maraakiibta ay Gantaallada ku rakiban yihiin iyo Gujisyada badda quusa ee Isbahaysiga Milliteri ee Maraykanka ayaa ka qeyb galay Duqeymo loo geystay Bar-tilmaameedyo Khaas ah ee Dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen.

Duqeymahaasi wadajirka ayaa waxaa la fuliyey abaarihii 02:30 daqiiqo ee Saqdii dhexe ee Xalay ee Xilliga Yemen,  iyadoo Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden shaaciyey inuu bixiyey Amarka Hawlgalkaasi.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Jeneral Yaxya Sareec oo maanta hadlay ayaa sheegay in 73 Duqeyn lagu beegsaday Bar-tilmaameedyo ku kala yaalla Caasimada Yemen ee Sanca iyo Goballadda Xudeydah, Tacis, Xajah iyo Sacda.

Waxa uu xusay in duqeymahaasi lagu dilay 5 qof oo Yemeniyiin ahaa, halka 6 kalena lagu dhaawacay.

Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (The US  Central Comand) waxay sheegeen in Duqeymahaasi lagu beegsaday Nidaamka Raadaarada, Bakhaaro Kaydka Hubka, Gantaallada Difaaca Hawada, iyo goobaha laga soo tuuro Gantaallada iyo.Darooniska.

Dhanka kale, Hawlgalkaasi waxaa ka qeyb galay Ciiddan ka kala socday dalalka Maraykanka, UK oo taageero Loojistikada ka helayey Ciiddamo ka kala socday dalalka Australia, Bahrain,  Canada iyo The Netherlands.

RW dalka UK,  Risho Sunak ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Cirka ee The Royal Air Force ka qeyb galeen Duqeymihii Diyaaradaha ee xalay lagu beegsaday Fariisimada Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Warar madax bannaan ayaa sheegay in 4 Diyaaradaha Dagaalka UK ee noocooda yahay Typhoon  FGR4T ay ka qeyb galeen Duqeymahaasi.