Weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican leh Tammy Abraham ayaa sheegay inuusan go’aan ka gaarin midka uu u ciyaari doono xulalka England ama Nigeria ka dib goolkiisii uu dhaliyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxdiisa Lille tartanka Champions League.
Tammy Abraham iyo Mason Mount waxay si wanaagsan ku bilowdeen xilliyadoodaugu horeeya Chelsea mana ahan wax la yaab leh inay yihiin kuwa kujira xilligii ugu fiicnaa ee Chelsea.
Xiddiga heerka caalamiga ee Mason Mount ayaa bandhigiisa wacan ku kabsaday wicitaanka tababare Gareth Southgate halka Tammy Abraham uu wali sugayo kulankiisii ugu horreeyay ee heer caalami ah inuu ciyaaro
Waxay u muuqataa inay cadaalad darro tahay weeraryahanka Chelsea inuu wali ka fakiro mustaqbalkiisa heerka caalami.
Illaa iyo xilligan, ma jiro nin Ingariis ah oo ka dhaliyay goolal ka badan 21 jirkaan horyaalka Premier League.
Todobada gool ayaa ka dhaliyay Premier League waana mid kamid ah gooldhaliyayaasha haatan ugu sareeya horyaalka isagoo ka dmabeeya Sergio Aguero oo dhaliyay sideed gool.
Weeraryahankan ayaa dhaliyay dhalashadiisa 22aad xalay goolkiisii sideedaad ee xilli ciyaareedkii kooxdiisa oo Chelsea 2-1 kaga talaabsatay kooxda Lille tartanka Champions League, waxaana la wadaaga Harry Kane iyo Raheem Sterling oo dhaliyay sideed gool tartamada oo dhan.
Iyada oo ay ku saleysan tahay foomkiisa, Tammy Abraham ayaa u qalmay in loogu yeero xulkiisa waqti hore – inkastoo doorasho u heysan tababare Gareth Southgate
Laakiin Marcus Rashford, Harry Kane iyo Callum Wilson ayaa ah xulashooyinka cajiibka ah oo uu heysto wali macalinka Three Lions.
Abraham wuxuu horey ugu soo ciyaaray England heerkiisii dhalinyarada isagoo laba kulan wajahay Brazil iyo Jarmalka sanadkii 2017, sidoo kale wuxuu u saftay dhalinyarada Nigeria.



